Madaxweyne Farmaajo oo eedayn u jeediyay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Sawirka: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlaya munaasabada nabada ee Koonfurta Suudaan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa eedayn u jeediyay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, isaga oo sheegay in waajibaadkoodu yahay in ay adeega gaarsiiyaan bulshada ay masuulka ka yihiin halkii ay ku milmi lahaayeen siyaasadda arrimaha dibada ee dalka, taasoo masuuliyadeeda ay leedahay dowladda dhexe.

“Haddii aad la fariisato madaxweyne Salvakiir ee Koonfurta Suudaan adiga iyo isaga maxaa idin ka dhaxeeya,” ayuu yiri Farmaajo, isaga oo tixraacaya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay khudabad uu u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfurta Suudaan, halkaas oo shalay uu uga qeybgalay munaasabada nabada ee lagu soo afjarayo colaada sokeeye ee dalkaas ka jirtay sanadihii lasoo dhaafay.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada sii looga wada hadlo xal u helista khilaafka taagan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya asbuucaan, taasoo noqoneysa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo uu madaxda Dowlad Goboleedyada ugu yeero shir wadatashi tan iyo bishii September markaasoo madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*