Muxuu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya diiradda saari doonaa 100 maalmood ee u horeeyay?

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in asbuuca soo socda uu la wareegi doono xafiiska, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in ammaanka, xasiloonida siyaasadda iyo dib u habaynta dhaqaalaha uu maamulkiisa cusubi diiradda saari doono boqolka maalmood ee u horeeya.

“Waxaan rabnaa in boqolka maalmood ee ugu horeysa aan dalka ka dhaqangelino waxa aan damacsanahay ee amniga, xasiloonida siyaasadda iyo dib u kabida dhaqaalaha in sharcigii ay ku shaqayn lahaayeen aan salka u dhigno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Xasan Shiikh oo 66-sanno jir ah, oo Soomaaliya soo hoggaamiyay 2012 ilaa 2017, ayaa Axadii dib markale loo doortay kadib markii uu ka adkaaday madaxweynaha xilka ka tagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*