Maamulka Hir-Shabeelle oo xiray macalimiin iskuul oo kulan la yeeshay maleeshiyada Al-Shabaab

Saldhiga Booliiska magaalada Jowhar. [Sawirka: Archive]
Jowhar-(Puntland Mirror) Maamulka Hir-Shabeelle ayaa xiray todobo macalimiin iskuul kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kulan la yeesheen maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay masuul katirsan maamulka.

Macalimiinta ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab kala Shireen bedelida manhajka iskuulo gaar loo leeyahay oo kuyaala gudaha magaalada Jowhar.

Al-Shabaab ayaa doonaysa in iskuulada laga dhigo manhaj xambaarsan afgaartooda. Macalimiinta ayaa masuul ka ah qiyaastii 1,000 arday oo ay  da’doodu u dhaxayso todobo ilaa iyo 15 sanno.

Mahad Xasan Cusmaan oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Hir-Shabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in macalimiinta ay ka qabteen ayna ku xireen gudaha magaalada Jowhar.

“Waxaanu ku xirnay 15km oo magaalada banaankeeda ah.” Ayuu yiri Mahad Xasan.

“Waxay rabeen in ay badalaan manhajka iskuulada si ay uga dhigaan waxa kooxda ay aaminsantahay oo ay soo fartay.” Ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in macalimiinta ay geyn doonaan maxkamad marka la baaro.

Al-Shabaab, oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa dibada looga saaray intooda badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya balse waxay weli maamulaan deegaano badan oo miyi ah.

Ururka hubaysan ayaa bishii lasoo dhaaftay ee April soo saaray buugaag manaahij ah oo xambaarsan afgaartooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*