Madaxweynaha Turkiga oo safar ku tagay Sucuudiga si uu gacan uga geysto khilaafka Khaliijka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Riyadh-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ayaa maanta oo Axad ah safar ku tagay maaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, kaas oo ah safarkiisii kowaad tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka Khaliijka.

Erdogan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis ku soo dhaweeyay saraakiil katirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Safarka Erdogan ayaa ujeedadkiisu yahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka.

Erdogan ayaa horey ugu taliyay in khilaafka ka taagan Khaliijka lagu dhammeeyo qaab wadahadal ah.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa si kala duwan ula kulmay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha oo ah wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Safarka ayaa kusoo beegmaya iyada bartanka looga jiro khilaafka Khaliijka u dhaxeeya, iyadoo wadamada Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ay xiriirka dibloomasiyadeed ugu jareen dalka Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageeraan argagixisada, balse Doha waa ay diiday eedayntaas.

Waxaa la filayaa in safarada kan ku xiga uu ku tago wadamada Kuwait iyo Qatar, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*