Hoggaamiyaha mudada dheer ee Gambia Yahya Jammeh oo aqbalay in uu xilka ka dego

Yahya Jammeh, madaxweynihii hore ee dalka Gambia. [Sawirka: Reuters]
Yahya Jammeh, madaxweynihii hore ee dalka Gambia. [Sawirka: Reuters]
Banjul-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha mudada dheer ee Gambia Yahya Jammeh ayaa sheegay in uu xilka ka degayo kadib markii uu diiday in uu aqbalo natiijadii doorashada.

Bayaan uu ka sii daayay taleefishinka dowladda, ayuu ku sheegay in uu aaminsanyahay in qofna uusan ku dhiman si xal looga gaaro muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka kuyaala Galbeedka Afrika.

Bayaanka ayaa waxaa daba socday wadahadalo saacado qaatay oo u dhaxeeyay Mr Jammeh iyo dhexdhexaadiyaal ka socday Galbeedka Afrika.

Mr Jammeh ayaa hoggaaminayay dalka Gambia 22-sanno balse waxaa doorashadii bishii lasoo dhaafay ee December uga adkaaday Adama Barrow.

Mr Barrow ayaa khamiistii lasoo dhaafay madaxweynenimada loogu dhaarshay gudaha safaarada Gambia ay ku leedahay dalka dariska ah ee Senegal.

Ciidamo ka socda wadamada Galbeedka Afrika, oo ay kamidtahay Senegal ayaa loo diray gudaha dalka Gambia, iyaga oo ku goodiyay in ay banaanka xafiiska uga saari doonaan Mr Jammeh haddii uusan aqbalin in uu xilka ka dego.

Mr Jammeh go’aankiisa uu kaga degayo xilka ayaa yimid kadib wadahadalo uu la yeeshay madaxweynayaasha dalalka Guinea iyo Mauritania.

“Waxaan go’aansaday maanta si akhlaaq leh in aan ku wareejiyo masuuliyada hoggaanka ee dalkan balaaran aniga oo mahad aan lasoo koobi Karin u jeedinaya dadka reer Gambia,” ayuu yiri Jammeh.

“Waxaan Ilaahay hortiisa balanqaadayaa iyo qaranka oo dhan in dhammaan xaaladihii taagnaa lagu xalinayo si nabadgelyo ah.” Ayuu ku daray.

Kahor inta uusan bayaankaas TV-ka ka sheegin Madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz ayaa sheegay in heshiis la garay Mr Jammeh na uu dalka ka tagayo. Balse ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah.

Mr Jammeh ayaa la siiyay wakhti kama dambays ah oo uu xafiiska uga tagayo ama in xoog looga saaro, kaasoo ku ekaa saacadu markay ahayd 16:00 GMT shalay oo Jimce ahayd.

Waxaa wakhtiga kama dambaysta ah u qabtay urur goboleedka Ecowas oo ay ku midoobeen wadamada Galbeedka Afrika, waxaana taageertay Qaramada Midoobay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*