Raysulwasaaraha Soomaaliya oo ka gaabiyay in uu xaliyo ismarinwaaga ka taagan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka gaabiyay in uu si deg deg ah uga hadlo markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa uu ceyriyay Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Puntland Mirror ayaa fahamsan in Khayre iyo Yaxye ay isku qabiil yihiin.

Shalay oo Sabti ahayd, Wasiir Juxa ayaa shaqo joojin ku sameeyay Yaxye, isaga oo lagu eedeeyay maamul xumo, cadaalad daro iyo wada shaqayn la’aan.

Waxyar kadib markii Wasiirka uu soo saaray digreetada shaqada lagaga joojiyay Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray digreeto kale oo ay ku khilaafayaan go’aanka Juxa ee shaqo joojinta Yaxye.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Puntland Mirror u sheegay, in uu jiray shir ay albaabadu u xirnaayeen oo dhexmaray Raysulwasaaraha iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasoo Khayre uu ku taageeray go’aanka lidka ku ah digreetada Juxa.

Sharci ahaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh in uu ceyriyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Si kastoo ay ahaataba, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu soo farogeliyo ismarinwaaga taagan kadib markii Raysulwsaaruhu uu ku guuldareystay in uu xaliyo ismarinwaagaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*