Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarada argagixiso oo ka dhacay Sucuudiga

President Hassan
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. Sawirka: Reuters.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyay werarada argagixiso oo ka dhacay gudaha wadanka Sucuudi Caraabiya.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowlada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan si dhab ah uga naxay ugana xumaaday weerarada argagixisada ee ka dhacay dhulka barakaysan waxaana la wadaagayaa xanuunka iyo dhibka soo gaaray walaalahayo reer Sucuudi,” sidaa ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku yiri bayaan uu soo saaray.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay wadamada Carabta ee Caalamka, dalalka Muslimka ah iyo aduunka kale in ay u midoobaan xaaladan khatarta ah si loo horjoogsado argagixisada.

“Intii lagu guda jiray bishaan Ramadaan waxaanu aragnay weeraro argagixiso oo halis ah oo ay qaadeen cadowga bini’aadamka iyo horumarka. Waxaanu u baahanahay iskaashi iyo in aan xoojino dadaalada wadashaqaynta ah si loo suuliyo khatarta argagixisada. Soomaaliya waxay si weyn ugu taagantahay ka hortaga argagixisada, ma joojin doono in aan gacan ka geysano la dagaalanka argagixisada caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kusoo gunaanaday bayaankiisa tacsi uu u diray qoysaskii, asxaabtii iyo dhamaan shacabka uu dhibka kasoo gaaray musiibadaas.

Ugu yaraan afar askari oo ciidanka amaanka ah ayaa ku geeriyooday shan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas isbiimaynta ahaa ee ka dhacay banaanka masjidka Nabiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Sucuudiga.

“Afar askari oo ciidanka amaanka ah ayaa ku shahiiday shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ka horjoogsadeen qofka is-qarxiyay oo isku qarxiyay meel u dhow iyaga isagoo ku socday masjidka,” wasiirka ayaa sidaa ku yiri fariin uu Twitter-ka soo dhigay.

Qaraxa ayaa dhacay wakhti yar kahor inta aysan qoraxda dhacin xilli ay dadka ku afuri lahaayeen gudaha masaajidka.

Masaajidka Nabiga ayaa waxaa booqda xujayda ka timaada caalamka inta lagu guda jiro maalmaha ugu dambaysa bisha Soonka ee Ramadaan, masjidka ayaa waxaa sidoo kale kuyaala qabriga Nabiga (N.N.K.H).

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*