Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax gaari o o ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax gaari o o ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax gaari o o ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho galabta oo Talaado ah, sida il-wareedyo dhanka amaanaka iyo caafimaadka katirsan ay sheegeen.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday bar-kantarool ciidan oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay tiro dhaawac ah, sida saraakii caafimaad oo ku sugan gudaha Muqdisho ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa ilaa iyo hadda, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah ka geystay gudaha Muqdisho xilliyadii lasoo dhaafay.

Qaraxa maanta oo Talaado ah dhacay ayaa imaanaya saacado yar kadib markii Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*