Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo magacaabay Hantidhowraha Guud ee Qaranka

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo magacaabay Hantidhowraha Guud ee Qaranka. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa magacaabay Hantidhowraha Guud ee Qaranka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Golaha ayaa kulankiisa asbuuclaha ah oo maanta oo Khamiis ah lagu qabtay Muqdisho Maxamed Cali u doortay Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Bilowgii Bishii lasoo dhaafay ee May ee sanadkan ayaa Golaha Wasiiradda Soomaaliya xilkii ka qaadeen Hantidhowrahii hore Nuur Faarax Jimcaale, kadib markii mid kamid ah ilaaladiisu uu dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib U-dhiska Cabaas Cabdulaahi Siraaji.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*