Baydhabo oo isku diyaarinaysa martigelinta shirka madasha qaran

Baydhabo-(Puntland Mirror) Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarinaysa martigelinta shirka madasha qaran oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maamulkiisa uu shirka martigelinayo ayaa maanta Baydhabo dib ugu noqday isagoo ku maqnaa safar dibada ah.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa maanta kormeer ku sameeyay meelaha loogu talagalay in shirka uu ka dhaco, isagoo saxaafada maxaliga ah la hadlay waxaa uu sheegay in si fiican ay u martigelin doonaan shirka.

Shirka madasha qaran oo ay ku kulmaan madaxda ugu saraysa dowlada federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa dhawaan lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Baydhabo oo markii kowaad martigelinaysa shir heerkaas ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*