Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan kulankii ugu horeeyay abid la yeeshay RW Israel

Mohamoud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmay Raysulwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu markii kowaad oo labada dhinac ay wadahadal heerkaas ah yeeshaan, sida ilo wareedyo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya u sheegeen wargeyska The Times of Israel.

Yuhuuda iyo Soomaaliya ayaan yeelan wax xiriir ah oo siyaasadeed iyadoo wadanka kuyaala Geeska Afrika oo 100% Muslim Sunni ah kana tirsan Jaamacada Carabta uusan waligiis aqoonsan xukuumada Yuhuuda.

Sarkaal sare oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa u cadeeyay wargeyska The Times of Israel in kulanka uu dhacay, si kastoo ay ahaataba sarkaalka ma uusan sheegin in kulanka uu ka dhacay magaalada Talaabiib.

Kulan kale oo u dhaxeeya labada masuul ayaa la qorsheeyay inuu dhici doono mustaqbalka dhow, sida uu sheegay sarkaalka.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in Bishii december ee sanadkii lasoo dhaafay ay jireen kulan ka dhacay magaalada Qudus oo u dhaxeeyay masuuliyiin Soomaali ah iyo saraakiil Yuhuuda oo uu kamidyahay  wasiirka dhaqaalaha Yuhuuda.

Saraakiisha Israel oo wargeyska weydiiyay in kulankaas uu dhacay ayaa diiday in ay ka hadlaan mawduucaas.

RW Netanyahu ayaa hadda booqasho ku jooga afar wadan oo kuyaala Bariga Afrika, oo ay kamidyihiin Kenya iyo Ethiopia oo xad la leh dalka Soomaaliya.

[box]Xasuusin: warbixintan wuxuu warsidaha Puntland Mirror kasoo xigtay Wargeyska The Times of Israel oo kamid ah wargeysyada waa weyn ee Israel kasoo baxa.[/box]

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*