Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay guddiga ay dowladda u wakiilatay wadahadalada colaada Gaalkacyo

img_9720
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay guddiga ay dowladda u wakiilatay wadahadalada colaada Gaalkacyo. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Gaalkacyo kula kulmay guddi Puntland ay u wakiilatay wadahadalada ku saabsan colaada Gaalkacyo.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Axmed ee Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland, guddiga dowladda wakiilka ka ah, raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga iyo odayaasha dhaqanka gobolka ku adkeeyay sidii nabad waarta loo heli lahaa.

”Waxaan ku raja weynahay in aan xal u helno dhibaatada magaalada Gaalkacyo, guddi ahaan iyo bulshada Gaalkacyo waxaa la idinka rabaa sidii hore aad u raadin jirteen nabadgelyada inaad uga sii shaqaysaan raadinteeda iyo in magaalada Gaalkacyo ay dhibaatada ka baxdo walaalnimo iyo deris wanaagna loogu wada noolaado” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Dhanka kale, Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa guddiga ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu heellan yihiin in xal laga gaaro dagaalada iyo colaada magaalada Gaalkacyo ka jirta, wuxuuna tilmaamay in ay howshu si wanaagsan u socoto isla markaana ay rajo weyn ka qabaan sidii loo xasilin lahaa nabadgelyada magaalada Gaalkacyo.

Dhinaciisa, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo kulanka ka qeybgalay isla markaana si buuxda u dhagaystay warbixinada iyo macluumaadka ay xubnaha guddigu kulanka kasoo jeediyeen, wuxuuna sheegay in beesha calaamku aysan waxba qaban karin haddii aanay garab ka helin odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan si loo soo afjaro colaadda magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac, ayaa magacaabay guddi ka kooban labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug kuwaasoo u xilsaaran sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is-horfadhiya iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dadka shacabka ah ee magaalada ka barakacay.

Ugu yaraan 60 qof oo u badnaa xoogaga dagaalamay ayaa ku nafwaayay ku dhawaad 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo labadii bilood ee u dambeeyay ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug.

Ku dhawaad 80,000 shacab ah ayaa ku barakacay dagaaladaas, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*