Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo wefdi uu hoggaaminyay oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boocame ee gobolka Sool

Ugaas Maxamuud oo faras qurux badan hadiyad ahaan u guddoonsiinaya Suldaan Siciid. [Sawirka: Xuseen/Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Bulshada reer Boocame oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa sii diiran u soo dhaweeyay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo wefdi uu hoggaaminyay oo shalay oo Isniin ahayd tagay magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Suldaan Siciid ayaa Boocame tagay kadib markii uu casumaad sharafeed ka helay Ugaas Maxamuud oo dhawaan la caleemosaaray.

Suldaan Siciid ayaa bulshada reer Boocame oo uu hormuud u yahay Ugaas Maxamuud uga mahadnaqay sida walaalnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wefdigiisa.

Labada isin ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dhinac ee ku aadan dhaqanka soo jireenka ah sida, is dhexgalka iyo iskaashiga bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanada miyiga ee xoolo daaqsimeedka ah.

Ugu dambeyn Ugaas Maxamuud ayaa faras qurux badan hadiyad ahaan u guddoonshay Suldaan Siciid, taasoo muujineysa xoojinta xiriirka balaaran ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*