Abwaankii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo loo yaqaan Sangub oo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo caan ah ayaa saakay oo Talaado ah ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo qoyskiisa ku dhow.

Labadii sanno ee u dambeysay, abwaanka ayaa ka xanuunsanayay kelyaha.

Waxaa lagu qiyaasay in uu jiray 75 sanno.

Sangub ayaa kamid ahaa kuwa ugu fiican suugaan curiyeyaasha Soomaaliyeed afartankii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxa uu sameeyay heeso iyo ruwaayado badan oo miisaan weyn ku dhex leh taariikhda fanka Soomaaliyeed. Isaga oo kamid ahaan jiray kooxdii fanaaniinta qaranka ee Waabeeri ee xilligii xukuumadii Maxamed Siyaad Bare.

Markii burburka dhacay waxa uu kamid ahaa dadkii dalka dibadiisa u cararay, waxaana uu tagay dalka Canada halkaas oo muddo badan joogay kahor inta uusan dib u soo noqon.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid abwaanka.

“Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.” Ayaa madaxwynuhu ku yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*