Ciidamada Mareykanka ee hoostaga Holwgalka AFRICOM oo bilaabi doona in ay ka baxaan Soomaaliya

Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ee katirsan Holwgalka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bilaabi doona in ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, sida ay ku warantay warbaahinta caalamiga ah ee arrimaha dhaqaalaha ka faaloota ee Bloomberg, oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ciidamada katirsan.

Ciidamada ayaa loo wareejin doonaa saldhigyo kale oo oo kuyaala Geeska Afrika, oo aan la sheegin magacooda, sida ay sheegtay Bloomberg.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishaan amar ku bixiyay in inta badan ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan Soomaaliya horaanta 2021.

Ku dhawaad 700 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaas Dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta sida Al-Shabaab iyo Daacish.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*