Duqa magaalada Gaalkacyo oo beeniyay jiritaanka mooshin ka dhan ah isaga

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumay. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uusan jirin wax mooshin ah oo laga keenay isaga.

Maxamuud Yaasiin Tumay oo maanta oo Arbaco ah warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in uu jiro mooshin isaga ka dhan ah.

“Mooshinku sideedaba sharci buu leeyahay, kooram buu leeyahay, marka xildhibaano ay mooshin keenayaan waa in ay si nidaamsan u keenaan, oo gobolka iyo Wasaaradda iyo degmada ay keenaan, markaas ka bacdi waa ansaxayaa,” ayuu yiri Tumay.

“laakiin waraaqo intii la iska soo qorqorto in warbaahinta bulshada la geliyo ama dhowr qof ay idaacada ka hadasho ay sheegato mooshin, waxaad garanaysaa in mooshin jirin haddii waxaan ay sax yihiin Wasaaradda, gobolka iyo degmadaa ayaa si sax ah loo marin lahaa, oo la keeni lahaa,” ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*