Madaxweynaha Puntland oo dhaliilay sidii loo maareeyay soo xulista guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya

Mdaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada, April 27, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mdaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu dhaliilsanyahay sida loo maareeyay soo xulista guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shir jaraai’d oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada, Deni ayaa ku tilmaamay habka soo xulista mid sharci daro ah, oo kasoo horjeeda habka awood qeybsiga Soomaaliya.

“Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sidii loo maareeyay guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah xadgudub habka nidaamka wax qeybsiga muuqda, oo haddana hab aad u khaldan oo runtii in la sheego habboon lagu sameeyay, waxaad ogtihiin in muddo dhowr bilood ah socday sidii guddoomiyaha bangiga loo xuli lahaa, oo wax qeyb ahaan dadka reer Puntland ay u lahaayeen, waxaa bareer socotay mar la badalayay guddoomiyaha maxkamada sare looma marin hab, nin baa laga qaaday nin isla heybtii ah baa lagu bedelay, Puntland waxba kama qabin, laakiin guddoomiyaha bangiga dhexe markii la soo gaaray waxaa la yiri tartan furan ha loo galo, markii ugu horeysayna waxaa laga leexiyay wadadii saxda ahayd,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

“Waxba kama qabno mustaqbalka dadka Soomaaliyeed in imtixaan ay ku yimaadaan oo qofkii u qalma uu noqdo guddoomiyaha bangiga,” ayuu ku sii daray.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dad reer Puntland ah ay codasdeen booskaas iyaga oo tartan galay balse laga tagay.

“Tartankii markii uu soo dhawaaday oo dadkii liiska lagu soo daray ay reer Puntland noqdeen ayaa waxaa la qaatay nin qoladii dadka kala xuleysay kamid ah oo aanan ahayn reer Puntland, taasina runtii waxay tahay in nidaamka hab qeybsiga in lagu xadgudbayo, waxay ka dhiggantahay in Puntland aan waxba laga weydiinayn awoodaha sare ee dalku leeyahay, sidaasna dalku kuma sii socon karo, saxna maahan.” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Afartii bishan April, ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo beel ahaan ka soo jeeda Somaliland loo doortay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, isaga oo badalay Bashiir Ciise Cali, oo kasoo jeeday Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*