Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo la magacaabay

Xarunta Bangiga Dhexe ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah magacowday guddoomiyaha bangiga dhexe.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabista ayaa waxaa soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda waxaana meelmariyay golaha wasiiradda.

Guddoomiyaha cusub ayaa badali doona Bashiir Ciise Cali kaasoo xilka hayay tan iyo sanadkii 2013.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa la sheegay in uu leeyahay khibrad gaaraysa 30-sanno oo la xiriirta maareynta maaliyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*