Ciidamada Ammaanka Puntland oo burburiyay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Buuraha Galgala

Hoy Al-Shabaab oo ciidamada PSF ay burbursheen. [Sawirka: Facebook/psf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa burburiyay saldhig talis iyo saad oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Buuraha Galgala, sida PSF ay ku sheegeen boggooda facebook.

Ciidamada PSF ayaa 18 xagjiriin Al-Shabaab katirsan ku dilay howlgalka sidoo kale saddex kale ayaa lagu qabtay nolol.

Intii uu howlgalku socday, rasaas iyo raashin ayaa ciidamadu gacanta ku dhigeen, PSF ayaa intaas ku dartay.

Intii lagu guda jiray asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa kordhiyay dagaalkooda ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee Buuraha Galgala.

Ciidamada PSF oo dhex lugeynaya gudaha Buuraha Galgala intii uu socday howlgalku. [Sawirka: Facebook/psf]

Qoraalkooda Facebook-ka, PSF ayaa wacad ku martay in sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah xagjiriinta.

Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa dishay tobonaan katirsan ciidamada ammaanka Puntland weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala ee gobolka Bari, khasaaraha ayaa ah kii ugu weynaa oo soo gaara ciidamada ammaanka Puntland tan iyo markii ay Al-Shabaab bilowday dagaalka gudaha Buuraha Galgala sanadkii 2010.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*