Ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya oo xiray labo nin oo Al-Shabaab looga shaki qabo

Nisa security forces
Asakri kamid ah ciidamada amaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah xiray labo nin oo looga shaki qabo kooxda Al-Shabaab kadib markii ciidamada ay howlgal ku qaadeen degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga qaranka, Cabdikaamil Macalim Shukri oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ciidamada xireen labo nin oo Al-Shabaab looga shaki qabo.

“Ciidamada amaanka waxay xireen labo nin oo Al-Shabaab looga shaki qabo kadib markii ay ciidamada howlgal ku qaadeen  meelo ay ku dhuumaalaysanyeen oo kuyaala degmada Dharkeynlay ee Muqdisho,” ayuu yiri Cabdikaamil.

“Hadda waxay ku jiraan baaritaan,” ayuu ku daray.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, balse maleeshiyada ayaa sii wada weeraro dhimasho oo ay ka geysato caasimada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*