Madaxweyne Deni ma waxa uu wax ka badalay habkii soo dhaweynta madaxda Puntland?

Madaxweyne Deni o maanta Garoowe ku soo noqday. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Tobankii sanno ee u dambeysay madaxda Puntland waxay caan ku ahaayeen in dad badan ay soo dhaweeyaan mar walba oo ay dalka ku soo noqonayaan.

Soo dhaweyntaas ayaa ahayd in dad shacab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruurta iskuulada dhigta la safo wadadda weyn ee laamiga ah iyo in la geeyo garoomada diyaaradaha si ay uga qeyb galaan soo dhaweynta madaxda.

Habkaas qaabka daran ayaa keeni jiray in dadka la dhoobo wadada weyn ee laamiga iyo garoonka ay halkaas ku dhibbaatoodaan iyaga oo saacado badan halkaas saf ugu jira xilliyo mararka qaar ay qoraxdu aad u kulushahay.

Sidoo kale dhaqaale badan ayaa ku bixi jiray habkaas iyada oo la soo kireeyo baabuur badan oo dadka geeya garoonka iyo sumadaha sida calamada iyo sawirada madaxda oo soo daabacaadooda ay dhaqaale badan ku bixi jireen.

Dad shacab ah oo garoonka Garoowe ku soo dhaweynaya madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawir Hore]
Is-dhoobida dadka ee laamiga weyn ee magaalada Garoowe dhexmara ayaa dhibbaato ku keeni jiray ganacsiga, oo ay khasab ahayd in albaabada loo xiro.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta oo Sabti ah Garoowe ku soo noqday kadib safarkiisii ugu horeeyay oo uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay, ayaa maanta u muuqatay soo dhaweyntiisu mid ka duwan kuwii madaxda isaga ka horeeyay.

Madaxweynaha ayaan wax shacab ah ku soo dhaweyn wadada weyn ee laamiga iyo gaaroonka diyaaradaha, sida ka muuqday sawirada laga qaaday markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Sidoo kale, waxaa caadi ahayd in golayaasha dowladda ay garoonka is-dhoobaan marka madaxweynuhu soo degayo, balse sida sawirada ka muuqatay maanta ma aysan jirin, marka laga reebo shaqaale katirsan madaxtooyada iyo saraakiisha ammaanka.

Dad badan ayaa madaxweynaha ku aamanaay in uu joojiyay habkaas aan fiicnayn.

Cali Xaaji Warsame, oo ah siyaasi reer Puntland ah, kaasoo soo nodqay wasiirkii waxbarashada Puntland, sidoo kalena labo jeer xilka madaxweynaha u tartamay ayaa ku aamanay madaxweynaha iyo madaxtooyada arrintaas.

                     Qoraalka Cali Xaaj Warsame. [Screenshot]
“Madaxweyne Siciid Deni waxa uu ku soo noqday Garoowe iyada oo aan caruur iyo arday la safin waddooyinka ay qoraxdu kulushahay iyo in aan la xirin waddooyinka ganacsiga iyo isku socodka dadka. Dhabtii waa arrin la boggaadiyo oo sidoo kale kasoo horjeeda habkii dhibbaatada lahaa ee hoggaamiyaashii hore ee Puntland. Waa amaananyihiin madaxtooyada Puntland.” Ayuu ku yiri qoraal English ah oo Cali Xaaji uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay maanta oo Sabti ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*