Madaxweynaha Puntland oo baaq nabadeed u diray dadka xoolo dhaqatada ah ee ku diriray deegaanada hawdka ee u dhaxeeya gobolada Nugaal iyo Sool

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Buurtinle-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ee ku diriray deegaanada hawdka ee u dhaxeeya gobolada Nugaal iyo Sool u diray baaq nabadeed.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta oo Khamiis ah safar shaqo ku tagay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in dagaalada la joojiyo lana qaato nabadda.

“Waxaa nagu soo siyaaday shaqaaqada ka socota hawdka oo runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib na saaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaarto in aanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, waxgaradka, culuma awdiinka reer Puntland meel kastay joogaanba inay u istaagaan xaaladdaa iyada ah deminteeda iyo dadkaa walaalaha ah isu soo dhowaanshahooda iyo dhibtaasi dhacday furdaaminteeda in loo istaago ayaan ku baaqayaa, waxaan kaloo ku baaqayaa in la joojiyo colaadda iyo xasaradda labada dhinacba, wixii dhib ah oo dhacayna ay intaa ku ekaadaan.” Ayuu ku sii daray.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimmatay ugu yaraan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal asbuucaan dhexdiisa dad xoolo dhaqato ah ku dhexmaray deegaan la dhaho Cagaarane oo kuyaala dhulka hawdka ah ee xadka gobolada Nugaal iyo Sool.

Deegaanadaas ayaa dagaaladu kusoo noq-noqonayeen tobankii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana dhowr jeer oo hore dadka ay colaadu ka dhaxayso la dhex dhigay heshiisyo nabadeed balse ma aysan joogsan weli.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*