Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab

Cali Jeyte oo sita qori AK-47 ah gashana dharka ciidanka. [Sawir Hore]

Jowhar-(Puntland Mirror) Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, sida lagu sheegay digreeto xafiiska madaxweynaha ka soo baxday 16-kii June 2023.

Digreetada laguma sheegin sababta ka dambaysa xilka ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte, oo ah siyaasi caan ka ah gobolka kaasoo lagu xasuusto in uu hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dabayaaqadii sanadkii hore ka bilaabmay bartamaha Soomaaliya.

Falaanqeeyaasha siyaasadda iyo arrimaha amniga ayaa qaba in xil ka qaadista Cali ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sidoo kalena ay niyad jab ku keeni karto dagaalyahanada deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*