Mareykanka oo sheegay in 35 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay ku dileen gobolka Hiiraan

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in ay duqeyn ku dileen 35 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa fuliya weeraro joogto ah gudaha Soomaaliya iyaga oo taageeraya Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo muddo sannooyin ah la dagaalamaysa maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay Axadii ka dhacday meel u dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*