Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga siiyay xabsiga, maalin kadib markii maxkamad lasoo taagay

Cabdiraxmaan oo la taagan madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyo duqa Muqdisho isaga oo gacan ka dhaawacan. [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Musharaxii hore ee madaxweynenimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa laga sii daayay xabsi kuyaala Muqdisho habeenimadii xalay oo Khamiis ahayd, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Sii daynta ayaa timid labo maalmood kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay xireen Cabdiraxmaan, kadib weerar lagu qaaday gurigiisa, kaasoo lagu dilay afar kamid ahaa ilaaladiisa.

Isaga ayaa dhaawac fudud soo gaaray intii uu socday howlgalka.

Cabdiraxmaan ayaa loo xiray khiyaano qaran, sida Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay shir saxaafadeed ka sheegtay Isniintii.

Talaadadii, waxa uu kasoo muuqday maxkamad kutaala Muqdisho isaga oo lagu eedeeyay khiyaano qaran, balse xaakimka ayaa xeer ilaaliyaha ka codsaday in uu keeno cadaymo muujinaya dembiga uu galay Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ayaa soo noqday Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, waxaana uu ahaa musharax madaxweyne doorashadii bishii Febaraayo oo uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastoo ay ahaataba, Cabdiraxmaan ayaa la sii daayay kadib cadaadis ka yimid qabiilkiisa, sida ilo-wareed ku sugan Muqdisho ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Gudaha Soomaaliya, qabyaalada ayaa weli ka xoog badan haayadaha dowladda iyada oo dalka uu dagaalku-dhibbaateeyay uu isku dayayo dib u kabasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*