Warbixin: Doorashada guddoomiyaha Degmada Dangorayo oo dhawaan dhici doonta, Maxaa uu qabsoomay degmada shantii sanno ee lasoo dhaafay

Dan
Xarunta dowlada hoose ee degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror/archive.

Garoowe-(Puntland Mirror) Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa dhawaan waxaa ka dhici doona doorashada guddoomiyaha degmada.

Ololaha doorashada ayaa ka socota degmada iyadoo ay xilka u taaganyihiin saddex musharax oo uu kamidyahay guddoomiyaha hadda xilka haya Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan “Cukaasha”.

Doorashada ayaa la filayaa in ay qabsoonto asbuucaan gudihiisa, sida ay Puntland Mirror u sheegeen masuuliyiin dowlada ah.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa warbixin kooban ka diyaarshay waxqabadka guddoomiyaha degmada mudadii shanta sanno ahayd oo uu xafiiska joogay.

Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan “Cukaasha” ayaa si rasmiya waxaa xilka loogu doortay 28-dii Juun 2011, mudadii uu xafiiska joogay mudane Cukaasha degmada waxa ay horumar ka samaysay dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, kaabayashaa dhaqaalaha, amaanka, iyo baahiyaha daruuriga ah sida biyaha.

Waxbarashada

Degmada Dangorayo ayaa kamid ah degmooyinka dhanka waxbarashada ugu fiican gobolka Nugaal, degmada waxaa ka furnaa dugsi hoose iyo mid dhexe, intii uu xafiiska joogay guddoomiye Cukaasha ayaa degmada waxaa laga furay markii ugu horeysay dugsi sare kaasoo  ay ka qalinjabiyeen ardaydii ugu horeysay oo degmada ku qaatada waxbarashada sare ee asaasiga ah.

Dugsiga sare ee Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror/archive.

Sidoo kale waxaa degmada laga furay mudadii u dambaysay iskuulo lagu barto shareecada Islaamka iyo luuqadaha.

Gancsiga

Dhaqaalaha degmada Dangorayo ayaa kor u kac sameeyay mudadii u dambaysay, degmada ayaa xarumo ganacsi oo cusub laga furay oo ay kamidyihiin shirkado ganacsi oo waa-weyn sida shirkada isgaarsiinta Somtel iyo kuwo kale oo ganacsi.

Xarunta Somtel ee Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Kaabayaasha dhaqaalaha

Dowlada hoose ee degmada ayaa dib u habayn ku samaysay wadooyinka waa weyn ee Dangorayo mudadii uu xafiiska joogay guddoomiye Cabduqaadir Cukaasha, waxaana la sameeyay jidcadayaal cusub oo sahlay isku socodka ganacsiga degmada dangorayo.

Jidcadayaal laga hirgashay gudaha degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay jid cadayaal badan laga hirgashay tuulooyinka hoos yimaada degmada.

Amaanka

Guddoomiyaha degmada Dangorayo ayaa mudadii uu xilka hayay wax weyn ka qabtay nabadgelyada magaalada iyadoo degmada ay kamidtahay degmooyinka ugu amaanka badan Puntland. Guddoomiye Cukaasha ayaa intii uu xafiiska joogay waxay degmada yeelatay gaari booliis ah iyo ciidan nabadgalyo oo mar walba heegan u ah amniga guud ee degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Degmada ayaa nasiib u yeelatay in laga dhiso saldhiga ciidanka booliiska ee ugu weyn gobolada Puntland oo intii uu xafiiska joogay guddoomiye Cabduqaadir Cukaasha ay degmada yeelatay.

Saldhiga booliiska degmada Dangorayo.

Waxaa sidoo kale degmada laga dhisay maxkamada heer degmo intii uu xafiiska joogay guddoomiyaha hadda uu wakhtigiisa sii dhamaanayo.

Biyaha

Ceel biyoodyo badan oo ku shaqeeya matooro ayaa laga hirgashay degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada mudadii uu xafiiska joogay guddoomiye Cukaasha, xilli ay baahi badan oo biyaha ah ka jireen deegaanada hoos yimaada degmada Dangorayo.

Ceel biyood matoor ku shaqeeya oo laga hirgashay Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Ugu dambayna iyadoo aan warbixin kooban lagu soo koobi Karin waxqabadka guddoomiyaha degmada Dangorayo mudadii uu xafiiska joogay ayaa waxaa kamid ah howlaha uu ku guulaystay mudadii shanto sanno ahayd oo uu degmada hoggaankeeda hayay, dib u kicinta isbitaalka guud ee degmada oo awal aan shaqayn jirin.

IMG-20160710-WA0025
Isbitaalka Degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Sidoo kale biyo xireeno waa weyn ayaa laga sameeyay daafaha degmada sida toga Bicil oo laga sameeyay biyo xireen dherergiisu yahay ilaa iyo 2km.

biyo
Biyo xireen laga sameeyay toga Bicil oo ku yaala Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror/archive.

Shanti sanno oo uu xafiiska joogay guddoomiye Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan “Cukaasha” degmada Dangorayo ayaa samaysay horumar balaaran oo aan lagu koobi Karin qoraal.

Haayada caalamiga ee World Vision ayaa kamid ah haayadaha xarunta ka samaystay degmada inta xafiiska uu joogay guddoomiye Cukaasha, haayada ayaa barnaamijyo badan oo isugu jira insaanimo iyo horumarin ka samaysay degmada iyo tuulooyinka hoostaga.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*