Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Madasha sare ee TANA oo ka dhacay Itoobiya

(Dhexda) Madaxweynaha Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Bahir Dahir-(Puntland Mirror) Shirka Madasha sare ee TANA ee ammaanka Afrika ayaa ka furmay maanta oo Sabti ah magaalada Bahir Dahir ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dowladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kamid ah marti sharafka ka qaybgalaysa shirka.

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa khayraadka dabiiciga ah ee Afrika, sida ay wararku sheegayaan.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedin doono inta lagu guda jiro labada maalmood oo uu shirku socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*