Khasaare kala duwan oo ka dhashay roobab dabaylo wata oo ka da’ay Puntland

Daad ka dhashay roobka oo maraya togga Eyl. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan oo wata dabaylo oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland gaar ahaan xeebaha.

Gobolka Gaardafuu, hal qof ayaa ku dhintay kadib markii ay degtay dooni kaluumaysi, sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalada Eyl, roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata ayaa burburiyay ku dhawaad 50 guri, iyo beero badan, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Cunug yar oo reer miyi ah ayaa deegaanada Eyl u dhow u dhintay qabow dartiis, sidoo kale boqolaal xoolo ah oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah ayaa daadadku la tageen.

Sidoo kale, daadadka ka dhashay roobabka ayaa waxyeeleeyay waddooyin muhiim u ah isku xirka gobolada.

Roobabka ayaa waxaa sababtay duufaanta Pawan oo ka timid Badweynta Hindiya, taasoo galabnimadii Jimcaha soo gaartay deegaanada xeebaha.

Khasaarihii la filayay in uu ka dhasho roobabka duufaanta wata ayaa ka yar sidii la moodayay.

Intooda badan deegaanada ay roobabku ka da’een ayaa hadda degan inkastoo la qiyaasi karayo in roobab kale imaan karaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*