Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in hoggaamiye katirsan Al-Shabaab ay ku dileen gudaha gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo wariyeyaal kula hadlaya gudaha Muqisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bayaan ku sheegay in ciidamadoodu ay hoggaamiye katirsan Al-Shabaab oo la dhaho Macalin Cusmaan Cabdi Baadil, iyo saddex dagaalyahan oo kale ay ku dileen gudaha gobolka Shabeellaha Hoose Jimcadii lasoo dhaafay.

“5-tii May, ciidamada qaranka Soomaaliya waxay dileen hoggaamiye Al-Shabaab ah oo la dhaho Macalin Cusmaan Cabdi Baadil, iyo saddex dagaalyahan oo kale,” ayuu bayaanka ku yiri Wasiirka Warfaafintu.

“Tani waxay wiiqaysaa awooda argagixisada ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waana guul u soo hoyatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta.” Ayuu ku daray.

Ma jirto ilaa iyo hadda jawaab ka timid maleeshiyada oo ku saabsan sheegashada dowladda.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah dagaalamayay, waxayna doonayaan in ay meesha ka saaraan dowladda uu caalamku taageersanyahay ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*