Mareykanka oo duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose ku dilay labo maleeshiyo oo Al-Shabaab ah

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay gudaha Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Labo dagaalyahan ayaa lagu dilay duqeynta oo Khamiistii ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen AFRICOM.

Waa duqeyntii labaad oo Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya intii lagu jiray sanadkan cusub ee 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*