Taliyaha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Haraadiga qaraxa. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Muqdisho maanta oo Isniin ah.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo uu waday qof ismiidaamiye ah ayaa isku dayay in uu dhexgalo kolonyo ilaalada taliye Odowaa Yuusuf Raage, sida ay sheegeen haayadaha ammaanku.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa jugtiisa laga maqlayay magaalada sidoo kale waxaa la arki karayay qiiq balaaran oo cirka isku shareeray.

Khasaaraha rasmiga ah ee soo gaartay ilaalada taliyaha weli lama sheegin, inkastoo warar madaxbanaan ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka ilaalada ayaa sidoo kale xir-xiray koox wariyeyaal oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya warbaahino caalami ah oo duubayay qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*