RW Itoobiya Hailemariam Desalegn oo gaaray Muqdisho si uu uga qaybgalo shir madaxeedka IGAD

 

desalegn
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo RW Itoobiya Hailemariam Desalegn kusoo dhaweeyay Muqdisho. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta oo Talaado ah ka dagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si uu ugu qaybgalo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD, kaasoo la qorsheeyay inuu maanta ka furmo Muqdisho.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Hailemariam kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda.

Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa iyana soo gaaray Muqdisho maanta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*