Saddex maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka geystay gobolka Jubbada Dhexe

Saddex maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka geystay gobolka Jubbada Dhexe. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha milatariga Mareykanka.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay in duqeynta ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka dhacday Isniintii meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Arbacadii, Mareykanka ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab in ay dishay askari Mareykan ah. Warbaahinta Al-Shabaab, Radio Al Andalus, ayaa sheegay in askari Mareykan ah lagu dilay dagaal duleedka Kismaayo ka dhacay subaxnimadii Talaadada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*