Tirada dhimashada qaraxii ka dhacay Muqdisho oo gaartay 18 qof

Dad wada meydad ku dhintay qarax hore oo ka dhacay Muqdisho. [Isha Sawirka: [AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ee qaraxii ka dhacay Muqdisho Khamiistii ayaa gaartay 18 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadaka iyo ammaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow huteel Waheliye oo saaran wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama ee Muqdisho.

Xagjiriinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida afhayeenkooda howlgalada milatariga Cabdicasiis Abu Muscab uu u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*