Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ugu yaraan shan dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dilay gobolka Bay

Ciidamada dowladda Soomaaliya[Sawirka: Archive]
Ciidamada dowladda Soomaaliya[Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan xoogaga AMISOM ayaa howlgal ku qaaday deegaanka Seydheeloow ee gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya, waxayna ku dileen ugu yaraan shan dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, sida uu sheegtay sargaal shalay oo Khamiis ahayd.

Wasiirka dhaqancelinta maleeshiyaadka maamul goboleedka Koonfur-galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo katirsan booliiska ay qaadeen howlgal guulaystay oo ka dhan ahaa waxa uu ugu yeeray cadowga dadka.

“Ciidamadayada booliiska ee gaarka ah waxay howlgal ku qaadeen deegaanka Seydheeloow halkaas oo argagixisadu ay biyaha ceelasha ka iibinayeen dadka masaakiinta ah, ciidamadu waxay ka jawaabeen cabasho katimid dadka deegaanka, waxaana dilnay shan dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, waxaana dhaawacnay kuwo kale oo badan, meydadkoodana waxaan halkaan Baydhabo ugu soo bandhignay saxaafada maanta,” Xasan ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka dowladda ee Sonna.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay hub kala wareegeen maleeshiyada intii uu howlgalku socday.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sanooyin dagaal kula jiray maleeshiyada Al-Shabaab qeybta koonfureed ee dalka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*