Soomaaliya oo si rasmi ah dib ula soo wareegtay maamulka hawadeeda 26 sanno kadib

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xariga ka jaraya munaasabada lasoo wareegida maamulka hawada. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah dib ula soo wareegtay maamulka hawadeeda.

Xaflada lasoo wareegida oo ka dhacday xarunta laga maamulayo hawada oo kutaala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Muqdisho, ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay haayada ICAO.

Hawada Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka maamulaysay haayada ICAO tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare sanadkii 1991.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*