Madaxweyne Farmaajo oo si kumeel gaar ah u xanibay dhammaan akoonada ay haayadaha dowladda ku leeyihiin bangiga dhexe iyo bangiyada gaarka ah

Bagiga dhexe ee Soomaaliya. [sawirka: Archive]
Bangiga dhexe ee Soomaaliya. [sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusb ee Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay lacag kala bixida dhammaan akoonada haayadaha dowladda ilaa iyo inta laga soo dhisi doono golaha wasiirada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray amar joojinaya lacag kala bixida akoonada ay haayadaha dowladda ku leeyihiin bangiga dhexe iyo dhammaan akoonada gaarka loo leeyahay ee ka furan bangiyada maxaliga ah ee gudaha Muqdisho.

Joojinta lacag kala bixida bangiga dhexe ayaa daba socotay kadib kulan dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Ciise Cali kulankaas oo dhacay habeenimadii Sabtida, sida ilo-wareedyo ku dhow bangiga ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

“Dhammaan akoonada ka furan bangiga dhexe iyo xawilaadaha gaarka loo leeyahay ayaa si kumeel gaar ah loo xanibay kadib amar fulineed kasoo baxay madaxweynaha cusub,” Ilo-wareed ku dhow bangiga dhexe oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa sidaa u sheegay Puntland Mirror.

Amarkan ayaa imaanaya iyada oo la filayo in asbuuca soo socda si rasmi ah loo caleemo-saaro madaxweynaha, si uu xafiiska u kala wareego madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud.

Kadib markii baarlamaanka Soomaaliya asbuucii lasoo dhaafay ay u doorteen Farmaajo madaxweynaha dalka, hadal kooban oo uu goobta doorashada ka sheegay ayuu ku balanqaaday in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa hareeyay haayadaha dowladda.

Bishii Janaayo 25-dii sanadkan 2017-ka, warbixin ay soo saartay haayada Transparency International ayay ku tilmaamtay Soomaaliya dalka ugu musuq-maasuqa badan dunida.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*