Fahad Daahir Ahmed oo sidoo kale Fahad Yaasiin looga yaqaan Soomaaliya ayaa asbuucii lasoo dhaafay loo magacaabay Agaasime Ku xigeenka Haayada Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Fahad oo ah nin ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo, kaasoo kaalin weyn ka qaatay doorashadiisii madaxtinimada, ayaa la sheegay in uu heysto baasaboorka Kenya, una isticmaalo safarada, sida uu sheegay wargeysku oo soo xiganaya saraakiil katirsan haayada socdaalka Kenya.
Fahad ayaa heysta baasaboor Kenyaati ah oo numbarkiisu yahay (C024542) oo la soo saaray September 6, 2013. Sidoo kale waxa uu heystaa kaarka aqoonsiga Kenya oo numbarkiisu yahay (22847167) oo ku taariikhaysan November 26, 2001.
Alexander Muteshi, oo ah agaasimaha Haayada Socdaalka Kenya, ayaa sheegay in uu ogyahay arrinta, lana bilaabay baaritaan.
Kahor intaan loo magacaabin booskan cusub waxa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia.
Fahad Yaasiin oo ka soo shaqeeyay TV-ka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Dooxa, ayaa la aaminsanayhay in uu xiriir dhow la leeyahay masuuliyiinta sare ee dalka Qatar.