Dowladda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameysay hehiiska dekada Muqdisho ee ay kula jirtay shirkada Turkiga ah ee Albayrak

Wasiiradda Dekadaha Soomaaliya iyo sargaal ka socday Albayrak oo kala saxiixanaya heshiiska cusub. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameysay hehiiska dekadda Muqdisho ee ay kula jirtay shirkada Turkiga ah ee Albayrak, taasoo dekadda maamulaysay ilaa iyo 2014.

Hehiiskii horey loo galay ayaa qeexayay in Albayrak ay dekadda maamuli doonto muddo 20 sanno ah, balse dib u eegis ayaa lagu sameeyay hadda taasoo ka dhigaysa muddo shan sanno ah, sida ay sheegtay Wasiiradda Dekaddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac.

Waxaa jira waxyaabo badan oo muhiim ah oo aan ku jirin heshiiska hore kaasoo keenay in dib u eegis lagu sameeyo, ayay sheegtay wasiiraddu.

Albayrak ayaa bishii Oktoobar 2014 heshiis la gashay xukuumaddii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud si ay u maamusho una balaariso dhismaha dekadda, oo ah isha dakhli ee ugu weyn oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*