Galmudug oo iclaamisay xaalad deg-deg ah iyadoo ay jirto khilaaf siyaasadeed

Sawirka: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cucaale Xaaf.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maamulka Galmudug ayaa iclaamiyay xaalad deg deg ah kadib maalmo muran siyaasadeed ah oo u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee ku sugan magaalada Cadaado.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxweynaha Galmudug, dhammaan deegaanada Galmudug ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah muddo saddex bilood ah.

Bayaanka ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ku sheegay in tilaabada loo qaaday si loo badbaadiyo maamulka Galmudug, kaasoo sii galaya khilaaf siyaasadeed.

Asbuucii lasoo dhaafay, qaar katirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweynahooda, balse Xaaf ayaa ku tilmaamay sheegashadan inay tahay wax aan shaqaynayn oo aan sharci ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*