askar kamid ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo lagu xukumay hal sanno kadib markii lagu helay in ay iibsadeen qalab militari

Amisom forces
17 askari oo ciidamada AMISOM ah oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa hal sanno oo xabsi ah lagu xukumay sidoo kalena waxaa laga qaaday garaadadoodii kadib markii dhawaan lagu qabtay iyagoo suuqa madow ku iibsanaya qalab militari iyo shidaal.

Xukunka ayaa  noqonaya kii kowaad oo ciidamada AMISOM loogu qaado gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay falal dambi oo ka dhan ah howlaha nabad ilaalinta oo ay dalka u joogaan.

Bartamihii bishii la soo dhaafay ee June ayaa qayb kamid ah ciidamada AMISOM ee la maxkamadeeyay oo ah shan askari oo ka socda dalka Uganda, waxaa soo qabtay ciidamada booliiska Soomaaliya.

Booliiska ayaa sheegay in ay soo qabteen shanta nin oo rabay in ay qalab iyo shidaal si suuq madow ah uga iibsadaan dadka shacabka ah.

Pop Francis Origi oo ah taliye ciidan oo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa laga dajiyay garaadadii kadib markii maanta maxkamad ciidan ay ku heshay dambiyo kala duwan.

Amisom
Kabtan Pop Francis Origi oo laga qaaday garaadadii kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan.

Origi ayaa darajadiisu ahayd kabtan, wuxuuna kasoo jeeda dalka Uganda.

17 askari oo ciidamada AMISOM kamid ah ayaa maxkamad uga socotaa caasimada Soomaaliya, Muqdisho, kuwaasoo loo haysto dambiyo ka dhan ah howlaha nabad ilaalinta oo ay kamidyihiin iibsashada qalab militari iyo shidaal.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ku deeqay ciidamada 22,000 ee AMISOM kuwaasoo howlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Sanado badan ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay ka iibsadaan qalab militari kooxaha hubka ka ganacsada ee Muqdisho iyo maleeshiyada mucaaradka ah ee al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*