Kadib todobo sanno oo dagaal dhiig badan ku daatay Al-Shabaab weli waxay khatar ku tahay Puntland

Askari Puntland ah oo ilaalo ku jira gudaha Buuraha Galgala bartamihii bishii Jully ee sanadkii 2013-ka. [Sawirka: Siciid Abshir/Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabab ayaa bilowday bartamihii sanadkii 2010-ka, dagaalka ayaa qarxay kadib markii maleeshiyada uu hoggaaminayay hoggaamiyihii hore Maxamed Siciid Atom ay qabsadeen tuulada Galgala.

Kadib qiyaastii asbuucyo dagaal culus ah, ciidamada Puntland ayaa dib u qabsaday tuulada Galgala bilowgii bishii Agoosto ee isla sanadkaas.

Kadib dib ula wareegidii tuulada Galgala, taas oo saldhig u ahayd maleeshiyada, maleeshiyadii Atom waxa ay u baxsadeen deegaanada buuralayda ah ee u dhow Galgala.

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2010-kii, ururka hubaysan ayaa weeraro dhimasho leh oo jabhadayn ah ka dhex waday deegaanada buuralayda ah, iyo weeraro argagixiso gudaha magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa mar walba qaadayay howlgalo ay ku doonayaan in ay ku cirib tiraan maleeshiyada, waxayna howlgalada nadiifinta ah ku dhex dileen tobonaan dagaalyahano Al-Shabaab ah.

Bartamihii bishii June ee sanadkii 2014-kii, hoggaamiyihii hore ee ururka Maxamed Siciid Atom ayaa isku dhiibay dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaana uu balanqaaday in uu noqon doono nin nabad doon ah, balse dagaalka Galgala ayaa sii socday.

Dabayaaqadii sanadkii 2015-kii, koox gaaraysa ilaa 20 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo hoggaamiye sare oo horey Al-Shabab uga tirsanaa Shiikh Cabdiqaadir Muumin ayaa iclaamiyay in ay ku biireen ururka ISIS, tilaabada ayaa kala qeybsanaan ku keentay dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaas oo ka dagaalamaya gudaha Buuraha Galgala ee Puntland tan iyo sanadkii 2010-kii.

Dagaalka Galgala ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku dagaalamaan ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2016-kii, boqolaal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa soo weeraray dhowr deegaan oo kuyaala xeebaha Puntland oo ay kamidyihiin tuulada Garacad ee gobolka Mudug iyo tuulada Suuj ee gobolka Nugaal, dagaalyahanadii ayaa waxaa jebiyay ciidamada Puntland, oo dilay in ka badan boqol halka tobonaan kale oo caruur u badana lagu qabtay nolol.

Iyada oo ka jawaabcelinaysa jabkii bishii Maarso, bartamihii bishii Agoosto ee sanadkii 2016-kii, Al-Shabaab ayaa weeraro ismiidaamin ah ku qaaday suuq iyo xarunta dowladda hoose ee gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ugu yaraan 30 qof oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday weerarkaas.

Ugu yaraan 35 askari oo katirsan ciidamada Puntland iyo dad kale oo shacab ah ayaa la dilay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidan ee Af urur oo kuyaala gudaha buuraha Galgala shalay subax oo Khamiis ahayd, weerarka ayaa ahaa kii ugu dambeeyay dhibbaatooyinka Al-Shabaab ee ka dhanka ah Puntland, waxaana uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo hal maalin soo gaara Puntland tan iyo sanadkii 2010-kii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*