Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kadib markii uu dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxa uu ka bilaabmay raashin loo qeybinayay dad masaakiin ah, sida ay wararku sheegayaan.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxay u badanyihiin dad shacab ah, sidoo kale waxaa ku jira ciidamadii dagaalamay.

Sagaal qof oo kale ayaa ku dhaawcmay intii uu socday dagaalku.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka hadlay dagaalka waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalka.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dhaqso gacanta lagu soo dhigi doono cid walba oo ku lug lahayd dagaalkaas dhimashada sababay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*