Puntland oo beenisay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa beenisay in aysan jirin lacag ay si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland.

“Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar).” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Axad ah.

Puntland ayaa sheegtay in lacagtu ay ka timid Midowga Yurub loona soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay cadaynaysaa in lacagtan ay Dowladda Federaalka ku libin sheeganayso ay tahay deeq ay bixisay Midowga Yurub loona yaqaan Surge Support, taas oo Dowladda Dhexena lasoo mariyay, ayaa qoondadii loogu talagalay Dowladda Puntland sanadka 2018 waxay dhammaanteed Dowladda Puntland ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Sidaas daraadeed wax lacag ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya leedahay ama ay ku bixisay wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ma jirto, balse dowladda Puntland ayaa qoondadeedii lacagta Surge Support ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo,” ayaa Puntland ku sii sheegtay bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*