Isku dhaca ayaa yimid kadib markii ciidamada Puntland ay u diideen in uu magaalada soo galo nin la sheegay in Somaliland ay u soo magacowday gobolka.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay isku dhaca, sida ilo-wareedyadu ay intaas ku dareen.
Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya gaariga uu watay guddoomiyaha ka socday Somaliland oo waxyeelo soo gaartay kadib markii rasaas ay kaga dhacday taayirada.
Sanadkan gudihiisa, Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer isku dhac ku dhexmaray deegaano kuyaala gobolka Sanaag.