Xaalada deegaanka Tukaraq oo degan

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wax dagaal ah kama uu jiro deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool maanta oo Jimce ah, sida ilo-wareedyo ciidamada katirsan ay sheegeen.

Xaalada deegaanka ayaa degan mana ay jiraan wax iska hor imaad ah kadib markii ciidamada Puntland iyo Somaliland uu dagaal culus ku dhexmaray halkaas Khamiistii.

Dad badan oo katirsan labada dhinac ayaa ku geeriyooday dagaalkii Khamiistii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan caafimaadka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ugu yeeray labada dhinac ee dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*