Hoggaamiyihii Taliban-ta Pakistan oo lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen gudaha Afghanistan

Hoggaamiyihii Talibanta Pakistan Mullah Fazlullah. [Sawirka]
Islamabad-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii Taliban ee Pakistan ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ay ka geysteen dalka Afghanistan.

Mullah Fazlullah ayaa ahaa ninka loogu raadinta badnaa Pakistan, kaasoo caan ku ahaa weeraro uu kamidyahay xasuuqii iskuulka ee 2014-kii oo lagu dilay 132 caruur ah iyo toogashadii 2012-kii ee gabadha Malala Yousafzai taasoo mar dambe lagu abaalmariyay Nobel Peace Prize.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadeen duqeynta oo ujeedkeedu ahaa beegsashada saraakiil sare oo maleeshiyo ah oo ku sugan bariga gobolka Kunar ee Afghanistan oo u dhow xadka Pakistan.

Mohammad Radmanish, oo ah afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Afghanistan, ayaa yiri: “Waxaan xaqiijinayaa in Mullah Fazlullah, hoggaamiyihii Taliban ee Pakistan, lagu dilay howlgal wadajir ah oo ka dhacay meel u dhow degmada Marawera ee gobolka Kunar.”

Afhayeen u hadaly ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan oo la dhaho Korneyl Martin O’Donnell ayaa sheegay in Mareykanku ay qaadeen duqeynta la dagaalanka argagixisada ah taasoo lagu beegsaday hoggaamiye sare oo katirsan urur argagixiso.

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso, Mareykanka ayaa balanqaaday abaalmarin lacageed oo dhan $5 milyan si loo helo macluumaadka ku saabsan Fazlullah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*