Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 5.7 oo ku dhuftay dalka Tanzania

tanzania
Dhul-gariirka oo dil-dilaac weyn u geystay wadooyinka. Sawirka: Twitter.

Dare Salam-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay in ka badan boqol kalena waa lagu dhaawacay kadib markii dhul-gariir cabirkiisu uu ahaa 5.7 uu ku dhuftay waqooyiga dalka Tanzania.

Dhul-gariirka ayaa ka dhacay magaalada Bukoba oo kutaala xeebta harada Victoria shalay oo Sabti ahayd, sida ay sheegtay waaxda kormeerka dhulka ee Maraykanka.

Iyadoo soo xiganaysa taliye booliis gobol, wakaalada wararka AP ayaa ku warantay in 11 qof ee dhimatay ay ku jireen dhismayaal bulukeeti ah.

Sawiro lagu soo daabacay Twitter-ka ayaa muujinaya dhismayaal ay darbiyadu burbureen ayna soo gaareen dil-dilaacyo waa-weyn.

tanzania-dhul-gariir
Dhul-gariirka oo burburiyay dhismayaal badan Sawirka: Twitter.

Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada dalka Tanzania ayaa lagu sheegay “in ay ka naxeen wararka sheegaya in dhul-gariirka uu sababay dhimasho dad badan, ayna ku dhaawacmeen dad kale oo badan, hantina ay ku burburtay”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*