Madaxweyne Cabdiweli: Puntland diyaar ayay u tahay xoreynta gobolka Sool

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlayay munaasabada salaada Ciidul Fidriga ee Garoowe. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay xoreynta gobolka Sool.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada salaada Ciidul Fidriga oo lagu oogay garoonka kubada cagta Mire Awaaare ee magaalada Garoowe Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri: “Dadweynaha reer Sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda,”

“Dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxa kaliya ee lagaa rabaa waa in aad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir, jihaadka la galayaa waa mid sax ah oo dhab ah, nin gar darana ma guulaysanayo.” Ayuu ku sii daray.

Ciidamada Puntland iyo Soamliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Xaalada Tukaraq ayaa maalmihii lasoo dhaafay deganayd, balse dagaalka ayaa ka qarxi kara wakhti kasta, marka loo fiiriyo is-diyaarinta ciidan ee labada dhinac iyo hadalada colaadeed ee ay warbaahinta isku marinayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*