Sida uu sheegay sargaalka Ruushka ah oo la dhaho Janaraal Sergey Rudskoy, tiro gaaraysa 36 meelood oo ISIS ku leedahay gobolka Al-Bab ee Suuriya ayay bartilmaameedsadeen diyaaradaha dagaalka ee huwanta ah.
Sergey Rudskoy ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ee Su-24, Su-25 iyo kuwa dagaalka Turkiga ee -16 and F-4, ay ka qeybqaateen howlgalka.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, ayuu sheegay in dhowr duulimaad oo kormeer ah la qaaday oo ku saabsan gobolka la beegsaday.
Rudskoy waxa uu ku qeexay howlgalka mid “aad macquul u ah”.
12-kii bishaan Janaayo, milatariga Turkiga ayaa iclaamiyay in Turkiga iyo Ruushka ay kala saxiixdeen heshiis u ogolaanaya in ay iska kaashadaan howlgalada hawada ee Suuriya.